Maamulka Gobolka Saaxil Oo Xadhiga Ka Jaray Ceel Cusub Oo Laga Hirgeliyay Faro-Deero

0

munaasibad kooban loo qabtay xadhig ka jarka ceelkaas ayaa waxa hadal ka jeediyay maareeyaha wakaaladda biyaha ee magaalada Berbera Saleebaan Cabdi ayaa sheegay in ceelkaasi kaalinka qaadan doono kor u qaadida biyaha ay hesho degmada Berbera ee ka yimaada degaanka Faro-deero.

Xoghayaha dawlada hoose ee degmada Berbera aayaa sheegay in wakaalladdu ay samaysay isbadal la taaban karo, waxaanu maamulka wakaaladda ku bogaadiyay fulinta ceelkaas.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxmed Xaashi iyo maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin ayaa sheegay in ay arrintasi tahay tallaabo waxtar u leh dadka ku nool magaalada Berbera, maadaama oo xili kulaylihii ay degmadaasi ku jirto, waxaanay maamulka wakaalladda biyaha ee degmada Berbera ku dhiiriyeen inay halkaas dadaalka ka sii wadaan.

fariin noogu reeb