Maamulka Gobolka Sanaag oo Sheegay In Gobolka Sanaag Yahay Ugu Xad Gudubyada Yar Gobollada Somaliland | BEST 1

0

Maamulka Gobolka Sanaag oo Sheegay In Gobolka Sanaag Yahay Ugu Xad Gudubyada Yar Gobollada Somaliland

Ceerigaabo XOGSIDE:-Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag, qaybaha kala duwan ee laamaha dawladda Somaliland ee gobolka Sanaag, qaar kamid ah Hayaddaha kala duwan ee caalamiga ah, Hayaddaha Waddaniga ah iyo guddiyada xaafadaha magaaladda Ceerigaabo ayaa ka qayb galay munaasibad lagu daah furaayey Ololaha 16-ka cisho ee xad gudubyada ka dhanka ah haweenka.Maamulka Gobolka Sanaag oo Sheegay In Gobolka Sanaag Yahay Ugu Xad Gudubyada Yar Gobollada Somaliland

Munaasibadan oo ay soo qaban qaabisay Hayadda Kandhalayt ee gobolka Sanaag, waxa ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay isu duwaha wasaaradda Shaqo-Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ee gobolka Sanaag,Taliyaha Ciidamada Booliska qaybta gobolka Sanaag,  Madaxa Hayadda Kandhalayt ee goboladda Sanaag iyo Sool iyo masuuliyiin kale,waxaanay gebi ahaantood masuuliyiintani soo jeediyeen in meel looga soo wada jeesto tacadiyada ku dhaca haweenka iyo Carruurta.Maamulka Gobolka Sanaag oo Sheegay In Gobolka Sanaag Yahay Ugu Xad Gudubyada Yar Gobollada Somaliland

Ugu dambayn Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag, ahna ku simaha Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur,waxaanu cadeeyey in gobolka Sanaag yahay gobol ay ku yar yihiin kiisaska Xad-gudubka Haweenku.Maamulka Gobolka Sanaag oo Sheegay In Gobolka Sanaag Yahay Ugu Xad Gudubyada Yar Gobollada Somaliland

Maamulka Gobolka Sanaag oo Sheegay In Gobolka Sanaag Yahay Ugu Xad Gudubyada Yar Gobollada Somaliland

fariin noogu reeb