Maamulka Iyo Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Oo Soo Dhaweeyay Qaxoonti U Soo Hayaamay Gobolkaasi | best 1

0
Maamulka Iyo Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Oo Soo Dhaweeyay Qaxoonti U Soo Hayaamay Gobolkaasi

Ceerigaabo (XOGSIDE) – Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag Maxamed Khalif Nuur, Isu Duwayaasha Wasaradaha Caafimaadka Iyo Deegaanka Somaliland Masuuliyiinta Hayadda Candle Light Iyo Bisha Cas ayaa soo dhaweeyay qaxoonti ka yimi dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.Maamulka Iyo Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Oo Soo Dhaweeyay Qaxoonti U Soo Hayaamay Gobolkaasi

Qaar ka mida dadkaasi soo qaxay ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in wax badan laga taageero maadaama ay masaafad aad u dheer ay soo socdeen, iyagoo ka mahad celiyay sida bani aadantinnadu ku jirto ee loo soo dhaweeyay.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay dadka deegaanka Fuqi fuliye oo ah deegaanka ay kusoo qaxeen barokacyaashu, iyagoo sheegay in intii awooddooda ah ay soo dhawayanayaan dadka kusoo qaxay dhulkooda.Maamulka Iyo Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Oo Soo Dhaweeyay Qaxoonti U Soo Hayaamay Gobolkaasi

Masuuliyiinta Hayadaha Candle Light Iyo Bisha Cas ayaa sheegay in ay doorkooda ka qaadan doonaan baahiyaha dadkaasi ay ka cabanayaan.Maamulka Iyo Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Oo Soo Dhaweeyay Qaxoonti U Soo Hayaamay Gobolkaasi

Gabagabadii dadkaasi oo la gaadhsiiyay deeq isugu jira biyo iyo dawo ayaa waxa ka hadlay ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ahna Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag Maxamed Khalif, iyo isu duwayasha wasaaradaha caafimaadka iyo deegaanka ee gobolka.

kuwaasoo sheegay in kaalintooda ay ka qaadan doonaan gargaarka bani adaannimo ee loo fidinayo dadkaasi, oo ay sheegeen inay kusoo tabcaameen safarkii dheeraa ee ay soo galelen, waxaana ay ugu baaqeen hay’adaha caalamiga ah ee qaxoontiga in dadkaasi ay lasoo gaadhaan gargaar bani aadannimo.

Maamulka Iyo Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Oo Soo Dhaweeyay Qaxoonti U Soo Hayaamay Gobolkaasi

 

 

fariin noogu reeb