Maareeye ku xigeenka wakaaladda Biyaha Berbera ayaa ka waramay xaaladda biyaha ee degmadaasi iyo waxyaabahii u qabsoomay.
Abokor Bille Isaxaaq Maareeye ku xigeenka wakaaladda Biyaha Berbera ayaa sheegay in xaaladda Biyaha ee degamda Berbera hadda ku jirto xilligii ugu wanaagsanaa iyadoo hore usoo martay marxalado kala duwan hadana uu qofkastaaba gurigiisa qasabadda ku jirta uu ka dhaansado. Waxaanu sheegay inay masuuliyadi ka saaran tahay ayna u taagan yihiin shacabka Berbera uga haqab tiri lahaayeen inay helaan Biyo ku filan madaama lagu jiro xiligii xagaaga ee Kulaylka.
Maareeye ku xigeenka wakaaladda Biyaha Berbera ayaa sheegay  sidoo kale inay wax ka qabteen intii karaankooda ah haday tahay wax ka baddelka Beebabka, hagaajinta Ceelasha xumaaday iyo soo kordhinta Ceelal cusub.
Ugu dambayna waxa uu u mahad celiyay  Abokor Bille Isaxaaq Maareeye ku xigeenka wakaaladda Biyaha Berbera cid kasta oo kala shaqaysa Biyaha haday tahay dawladda dhexe midda hoose iyo hay’adaha la shaqeeya. Waxaanu bulshada ka codsaday inay kala shaqeeyaan lana socod siiyaan waxii caqabad ama cilado ah ee soo kordha