Macaluumadka Maska Iyo Carabkiisa!

0

Maska ayaa si joogto ah carabkiisa uu soo saara, Aqoon yahano badan aya hore u aaminsanyd in ay tahay difaacajidhkiisa  oo uu diyaarsanayo, laakiin mar danbe ayaa la ogaaday in masku aanu lahayn dareemaha urinta ee sanka  sida awgeed u yahay Carabku dareemaha urintiisa.

Waxaana ay noqotay soo saaridda joogtada ah ee carabkiisa si uu ugu garto deegaanka ku xeeran waxa jooga ama ka socda, waxaan jira unugyo afkiisa ku yaalla oo isla markiiba shaandheeya una gudbiya maskaxdiisa iyaduna waxay cadaysa halka ay urtaasi ka soo baxayso iyo waxa uraya nooca uu yahay ka dibna halkaasi ayuu waajaha haddii uu doonayo inuu weeraro iyo inuu ka fogaado haddii uu ka cabsanyo labada. Sidaa awgeed carabkiisa ayaa noqonaya xubin noloshiisa miisaan weyn ku leh.

 

fariin noogu reeb