Madaxweynaha Somaliland ayaa kormeeray Mashruucda dhismaha Dekedda cusub ee ay dhisayso Shirkadda DP World
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo maanta ku gaadhay Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa kormeeray Mashruuca dhismaha Dekedda cusub ee dhisayso Shirkadda DP World.
Waxaana uu Madaxweynuhu kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee dekedda cusubi ka dooban tahay, ballaadhinta iyo casriyeynta lagu sameeyey dekedda.
Ugu horraynba waxaa halkaasi ka hadlay Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi waxaana uu ka warbixiyey halka ay marayso ballaadhinta dekeddu, waxana uu yidhi.
“ Mudane Madaxweyne waan kugu soo dhaweynaynaa Dekeda Berbera gaar ahaan Terminaalka cusub ee Koontiinerada (Container terminal) kaa soo ku jira gebo gebadii u danbaysay oo aanu rajaynayno in furo Lixdan cisho wax ka yar, marka dekeda la furo waxay qaabilaysaa dekedu Maraakiibta ugu waa weyn ee dhererkoodu yahay 480m iyo wixii ka yar insha allaahu maalinta aanu furaynana waxaa kusoo beegmaya Markab dhererkiisu yahay 360m oo noqonaya kii ugu horeeyey ee ay ka shaqeeyaan wiishashkani, barxada terminaalku waa 330.000m2, sida ka muuqatana 90% waa gebo gebo inta u hadhayna waa xaal xaal, deked ahaan waa dhamaystiran tahay insha Allaah.”
Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay, ayaa u mahadnaqay shirkadda ballaadhinta dekedda gacanta ku haysa ee DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta, isaga oo muujiyey inuu la dhacsan yahay horumarka ka socdo dekedda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “ Ilaahay baan uga mahad naqaynaa oo nimcooyin badan ina siiyey oo ka mid tahay horumarkan ka socda Berbera gaar ahaan Dekeda, waxaan aad iyo aad ugu naqayaa Dawladda Imaaraadka Carabta oo ku dhiirraday inay maal-geliyaan Somaliland oo cadowgeeda badani in badan u sheegeen meel aan ammaan ahayn ama aan la aqoonsan.”
Ugu danbayntiina Madaxeynuhu wuxuu u mahad celiyey Shaqaale weynaha Dekeda Berbera isago ku ammaanay doorka ay ku leeyihiin horumarka, casriyeynta iyo ballaadhinta marsada Berbera.