Madaxweyne Geelle iyo dhigiisa Masar oo ka wada hadlay arrimo kala duwan | best 1

0
Madaxweyne Geelle iyo dhigiisa Masar oo ka wada hadlay arrimo kala duwan

Xogside – Madaxweynaha Masar ayaa Isniintii marti-geliyey dhiggiisa Jabuuti oo ay yeesheen wada-hadallo lagu horumarinayo xidhiidhkooda iyo biyo-xidheenka muranka uu ka taagan yahay ee Ethiopia ay ka dhiseyso Webiga Nile, kaasi oo Masar ay u aragto halis.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Axaddii cago-dhigtay magaalada Qaahira, waxaana garoonka ku qaabilay madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi.Madaxweyne Geelle iyo dhigiisa Masar oo ka wada hadlay arrimo kala duwan

Booqashada Geelle ayaa timid sideed bil kadib markii Al-Siisi uu booqasho naadir ah ku tegay dalka Jabuuti.

Al-Siisi ayaa xilligaas noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Masri ah ee booqda Jabuuti tan iyo markii uu dalkaas xoriyadda qaatay 1977-kii. Waxay qeyb ka aheyd dadaal ay Masar ku dhiseysay xulufo ay u raadineysay muranka Webiga Nile ee kala dhaxeeya Ethiopia.Madaxweyne Geelle iyo dhigiisa Masar oo ka wada hadlay arrimo kala duwan

Madaxweynaha Masar ayaa ku celiyey dalabka dalkiisa ee ah in heshiis laga gaadho buuxinta biyo-xireenka oo Ethiopia ay kaga baxday 4.6 bilyan oo dollar.Madaxweyne Geelle iyo dhigiisa Masar oo ka wada hadlay arrimo kala duwan

Al-Siisi ayaa sheegay in heshiis noocaas uu noqon doono mid ku yimaada waqtiga ku habboon, uuna gacan ka gaysan karo “xoojinta ammaanka iyo xasilloonida gobolka.”

Wada-hadallada muranka biyo-xidheenka ee u dhaxeeya Masar, Ethiopia iyo Sudan ayaa istaagay sanadkii tegay. Masar iyo Sudan ayaa marar badan ku celiyey baaq ay u jeedinayaan beesha caalamka oo ah inay gacan ka gaystaan heshiis laga gaaro buuxinta biyo-xireenka.

Madaxweynayaasha Masar iyo Jabuuti ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ammaanka Badda Cas iyo Geeska Afrika, sida uu sheegay Al-Siisi oo aan bixin faah-faahin dheeraad ah.

Madaxweyne Geelle ayaa ku qeexay wada-hadallada “kuwa wax ku ool oo midho dhal ah,” isaga oo sheegay inay ka wada-hadleen habab “lagu xoojin karo laguna horumarin karo xidhiidhka.”

Madaxweyne Geelle iyo dhigiisa Masar oo ka wada hadlay arrimo kala duwan

fariin noogu reeb