Munaasibada lagu soo bandhigaayay Buuggan cusub waxa ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha wasiirada, Hay’adaha Dawladda iyo masuuliyiin kale.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa sheegay in Buugani ka turjumaayo xogta Qaranka Somaliland isla markaana ay adeegsan karaan cid kasta Somaliland xog uga baahan sida wadamada Caalamka iyo Hay’adaha caalamiga iyadoo uu Buuggu ka waramaayo guud ahaan dalka sida Dadka ku dhaqan Somaliland, bedka Dhulka, Badda iyo Cirka.
Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta, Maaliyada, Biyaha iyo Dr. Adna Aadan Ismaaciil, oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood ka waramay ahmiyada uu Buugani u leeyahay Qaranka Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in buugan lagu soo ururiyay xogaha ugu muhiimsan ee Qaranka Somaliland iyadoo Buugaasina lagu faafin-doono dalka oo dhan iyo wadamada Caalamka isaga oo inaga anfacaya cid kasta oo u baahan in ay xog ka hesho Somaliland sida wadamada kale ee Caalamka, iyo Hay’adaha.
Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Hay’adaha iyo laamaha kala duwan ee dawladda ku dhiiri geliyay in ay qayb ku yeeshaan kuna soo bandhigaan xogohooda muhiimka ah.