Madxafka Qaranka Somaliland Oo Dhismihiisii Gabo Gabo Ku Dhawyahay | best 1

0

Madxafka Qaranka Somaliland Oo Dhismihiisii Gabo Gabo Ku Dhawyahay

Gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaji Axmed oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile iyo maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa maanta kormeeray dhismaha Madxafka Qaran oo gabo gabo ku dhaw.Madxafka Qaranka Somaliland Oo Dhismihiisii Gabo Gabo Ku Dhawyahay

Masuuliyiintan ayaa u kuur galay  heerka iyo halka uu marayo dhismaha Madxafka Qaranka oo maanta qaybtiisii u dambaysay la shubay ugu horayna waxa warbixin ka siiyey gudoomiye ku xigeenka Shirkada Kaabsan  Cabdiwahaab  Xaji Cali Axmed waxaanu ka waramay dhismahan iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray .Madxafka Qaranka Somaliland Oo Dhismihiisii Gabo Gabo Ku Dhawyahay

Waxaana uu hadalkiisii ku bilaay sidan “ Run ahaantii intii aanu halkan ka shaqaynaynay laba qaybood ayaanu aad u la shaqaynay ka  shirkhad ahaan, labadaas oo kala ahaa agaasimaha madaxtooyada iyo ciidanka Qaranka oo hawshan loo igmaday oo gacanta ku hayey waxu ku shaqaynaynay duruufo adag oo xili habeen u badan oo run ahaantii ay u soo dhabar adeegeen ciidanka garanka ee halkan ka shaqaynayey iyo agaasimaha madaxtooyada oo maamulayey.Madxafka Qaranka Somaliland Oo Dhismihiisii Gabo Gabo Ku Dhawyahay

Shirkad ahaan adeegan aanu bixinaynay  waxaanu hal kan keenay in ku dhaw hal mitir kuyuub oo ah qaldad oo diyaarsan.

gurigan waa guri umadu wada leeday oo gurigii qaranka ah,  anaga xusuus gaara ayey noo tahay runtii masuuliyad deeraad ah waanu iska saarnay”

Gabogabadiina mayarka caasimada Hargysa Candiraxmaan Soltelco iyo agaasimaha madaxtooyada Maxamed Cali ayaa ka hadlay maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray dhismahan madxafka Qaranka iyagoo guul ku tilmaamay  heerka uu manta marayo

fariin noogu reeb