Magaalada Wardiya waa magaalo taariikhi ah oo ku taalla koonfurta dalka Urdun , magaca magaaldani waxa uu ka soo jeeda dhagaxanteeda quruxda badan ee midabkoodu u eeg yahay ubaxa.
Magaalo dhismaheedu uu aad u qurux badan yahay aad u heer sareeyo , waan magaalooyinka loogu dalxiis badan yahay , xataa waa magaaladan dalxiis ku taga hogaamiyaasha caalamka.
Magaaladan waxa la dhisay sida taariikhda lagu sheegay sanadkii 312 , waxaana wakhtiyo badan ay ahayd caasimaadda dadka Carabta ah. Magaalada Wardiya ayaa sandkii 2007 lagu daray liiska toddoba arimood ee dunida ugu yaabka badan.
Sababta loogu daray ayaa noqotay iyadoo ay ka dhisan yihiiin guryo fooqyo ah oo looga qoray buuraha si farshaxan aad u heer sareeya. Dadkii degenaa ayaa guryahaasi mucjisada ah sameeyay waana mid qof kasta oo arka la yaabo. Ma jiro dhisme sees loo sameeyay laakiin dhagaxii buurta ayay ka qoreen fooqyadan oo ka sameeyeen guryo dabaqyo ah.