Dhacdo la yaab leh, magaalo ku taal waqooyiga dalka Croatia, oo lagu magacaabo
Legrad, oo u dhow xadka ay la wadaagto dalka Hungary ayaa hada iibinaysa guryaha ka
dhisan ee dadkii lahaa ay iska tageen.
Arintan waxa sababay iyadoo hoos u dhac weyni ku yimi tirada dadka degan magalaada, iyadoo mar ahayd magaalada labaad ee ugu dadka badan dalkaasi. Sida lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters Magaalada Legrrad wakhtigan waa deegaan ay ku nool yihiin dad kooban oo gaadhaya 2200 qof, kuwaasi oo ay kala badhi weliba ka weyn yihiin da’da 70 sano .
Si magaalada loogu helo dad ku noolaada oo ku soo noqda waxa guryaha ku yalla ee laga
tegay lagu iibinayaa Qiime aad ugu hooseeya xataaa halka doller, kaasi oo ah 0.16 doller.
sida ay daabacday wakaaladda wararka Reuters, magaalada Legrad waxa la iibsaday ila
iyo hadda 17 guri oo ka mid guryaha magaaldan ee iibka loo soo bandhigay.
Shuruudaha ku xidhan in magaaladan aad ka iibsato guri waxa ka mid ah in qofku uu ka yaryahay 40 sano , isla markaana uu ogolaado inuu deganaan doono magaalada muddo 15 sano ah oo xidhiidh ah.
Waxa kale oo Iyana shuruudaha ka mid ah in Qofka magaaladan degayaa uu
dhaqaale haysto. Duqa magaalada Legrad, Mr.Ivan Sabolic, ayaa isaguna sheegay in magaalada ay dayactiri doonaan 35% , si magaaladu mar kale u noqoto mid ay ku nool yihiin dad tiro badan.
Magaaladan hadda waxa dhinac kasa ka xiga dhir iyo kaymo isku baxay oo u baahan in sii
fiican looga nadiifiyo. (www.wionews.com)