Magaalo Sanad Kasta Nolosha Ku Aasta Nin Ka Mid ah Dadkeeda

0

Dunidan waxa ka jira caadooyin iyo dhaqamo yaab leh oo la iska dhaxlay, tuulo ku taalla dalka Kuba (Cuba) ayaa sanad kasta lagu qabtaa aaska nin ka mid ah dadka deegaanka oo isagoo nool la aasayo, waxaana lagu magacaabaa Bashynshv.

Caadadan waxa laga bilaabay magaalada Santiago de las Vegas wakhti hore iyagoo dadka tuuladu u samaynaya iyagoo aaminsan in tuuladani barqwaaqo belaayada sanadka kaga nabad gelayso. Waxaan ninkaasi la aasayo loo sameeyaa xaflad weyn oo damaashaad ah.

Aaskan waxa ka soo qayb gala dadka magaalada oo dhan waxaana ay la qabtaa sanad kasta bisha Khamiista , Feberweri. Waxaana ay aaminsan yihiin inay tahay aaska rasmiga ee magaaladaasi.  Dadka magaalada aayaa rumaysan in qofka isagoo jooga magaalada kana maqnaada Aaskan ay belaayo ku dhacayso.  ( Al-alamnews)

fariin noogu reeb