Markii Uu hadyadii u Keenay ayay Niyad jabtay !
Xogside – Markii ay gabadhiisa wada tegeen dukaanka laga iibsado hadyadaha ayuu ku yidhi “ Waxaan doonayaa inaad ii doorto hadyada aan hooyaday u geeyo oo dookhaaga ah”. Gabadha ayaa si hoose u dareentay hinaase, waxayna u doortay tii qiimo ahaan ugu jabnayd , muuqaal ahaana ugu liidatay oo aanay weligeed iyadu qaadateen, wuu u qaaday hooyadii.
Galabtii danbe ayuu isla hadyadii usoo iibiyay gabadhiisa, una soo qaaday. Wuxuuna u sheegay markii uu keenay inuu iyadana la jeclaaday inuu hadyadii ay jeclayd u keeno.
Markii ay aragtay ayay niyad jabtay waxayna isku qoomamaysay haddii aad mid wanaagsan u doori lahayd adigana mid waangsan ayuu kuu keeni lahaa.