Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Biyaha Iyo Badhasaabka Gobolka Sanaag Oo Kormeeray Mashaariic Dhanka Biyaha Ah | best 1

0

Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Biyaha Iyo Badhasaabka Gobolka Sanaag Oo Kormeeray Mashaariic Dhanka Biyaha Ah

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha, Maxamed Maxamuud Mooge, oo uu weheliyey Badhasaabka Gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan iyo laamaha ammaanka ee gobolka mashaariicda ay sida wada jirka ah u soo mareen waxa ka mid ahaa laba ceel biyood oo riig ah laga bilaabay deegaanka Kaabada-dubad iyo degmada Goof oo labaduba ka tirsan Gobolka Sanaag.Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Biyaha Iyo Badhasaabka Gobolka Sanaag Oo Kormeeray Mashaariic Dhanka Biyaha Ah

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha Maxamed Maxamuud Mooge ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha dhinaca biyaha ee gobolka Sanaag, waxaanu tilmaamay inay laba ceel biyood ka qodayaan gobolka Sanaag, isla markaana ay darsayaan baahiyaha kale ee biyaha.Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Biyaha Iyo Badhasaabka Gobolka Sanaag Oo Kormeeray Mashaariic Dhanka Biyaha Ah

Maxamed Maxamuud Mooge waxa uu sheegay in Wasiirka Horumarinta Biyaha iyo khubarrada Wasaaradda ay ka go’an tahay sidii deegaannada kala duwan ee dalka loogu qodi lahaa ceelal badan oo ay kaga baxaan biyo yaraanta.Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Biyaha Iyo Badhasaabka Gobolka Sanaag Oo Kormeeray Mashaariic Dhanka Biyaha Ah

Badhasaabka Gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Biyaha ceelasha ay ka qodayso gobolka Sanaag, waxaanu tilmaamay in shacbigu ay ilaashan doonaan ceelasha loo hirgelinayo.

Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Biyaha

fariin noogu reeb