Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo Kormeeray Mashaariic Laga Hirgeliyey Ceerigaabo

0

Ceerigaabo XOGSIDE:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Somaliland Cabdulaahi Jiidhe iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa soo kormeeray mashaariic laga hirgeliyey magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo Kormeeray Mashaariic Laga Hirgeliyey Ceerigaabo

Mashaariicdan oo ka kooban dhismeyaal horumarineed oo qaybo kamid ahi ay dhammaadeen ,qaarkoodna ay gebo gebo ku dhow yihiin ayaa laga hirgeliyey gudaha magaaladda Ceerigaabo,waxaana mashaariicdan iyo kormeerka masuuliyiintanba ka warbixiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud,Dhulka iyo Guryeynta Somaliland Cabdulaahi Jiidhe,waxaanu tilmaamay in kormeerkoodan ay ku marayaan mashaariicda ay xukuumadda Somaliland ka hirgelisay magaaladda Ceerigaabo uu kamid yahay kormeeradooda shaqo ee ay ku marayeen goboladda Somaliland.

Agaasime Cabdulaahi Jiidhe ayaa tilmaamay in uu weftigiisu kormeeraayey mashaariicda kala duwan ee ay xukuumadda Somaliland ka fulisay goboladda Barriga Somaliland,iyaga oo safarkooda kasoo bilaabay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo Kormeeray Mashaariic Laga Hirgeliyey Ceerigaabo

Weftiga uu hogaaminaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland ayaa intii ay kormeerkoodan ku jireen booqday mashaariic ay kamid yihiin Madaxtooyadda magaaladda Ceerigaabo oo dhismeyaal kala duwan laga hirgeliyey,Garoonka Kubada Cagta magaaladda Ceerigaabo ,Xafiiska Xeer ilaalinta gobolka Sanaag,Xarunta Caafimaad ee xaafadda Ilays ee magaaladda Ceerigaabo iyo dhismaha Xafiiska wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee madaarka magaaladda Ceerigaabo oo ay isna dhagax dhigeen.Dhulka iyo Guryeyta Somaliland waxa uu tilmaamay in mashaariicdan

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeyta Somaliland waxa uu tilmaamay in mashaariicdan dhammaantood ay xukuumaddu ka hirgelisay cashuurtii laga qaaday shacabka reer Somaliland.

Shacabka magaaladda Ceerigaabo iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ayuu uga mahadceliyey sida ay uga qayb qaadanayaan horumarinta ka socota goboladda kala duwan ee Somaliland,isaga oo shacabka ku booriyey in ay ilaashadaan mashaariicdan loo sameeyey.

Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo Kormeeray Mashaariic Laga Hirgeliyey Ceerigaabo

fariin noogu reeb