Masuuliyiinta Degmada Faro-Wayne Oo Kormeeray Sida Imtixaanka Shahaadigu Uga Socdo Degmadaas

0

Maamulka degmada Farawayne ee gobolka Maroodi jeex ayaa soo kormeeray ardayda u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose dhexe iyo saree e degmadaasi.

Ugu horeyn waxa halkaasi hadal ka jeediyay isu duwaha wasaaradda waxbarashada iyo sayniska  ee degmada Faro’wayne, maamulka dugsiga hoose dhexe ee degmada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda horumarinta waxbarashada Somaliland.

Waxaana ay sheegeen in xarunta degmada Faro’weyne ay ku gelayaan imtixaanka saddex dugsi hoose oo ka tirsan degmadaasi oo kala ah; dugsiga hoose dhexe ee degmada Cadaroosh, lafta faro’weyne iyo dugsiga hoose dhexe ee Faro’weyne. Maamulka degmada Faro’weyne iyo mas’uuliyiintii ka socday wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa sheegay in sannadkii saddexaad ay ka baxayaan dugsiyada hoose dhexe ee degmadaasi ardayda fasallada siddeedaad, waxaana ay tilmaameen in sannadkanna ay ka baxayaan degmada Faro’weyne 40 arday oo dhammaystay dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee degmada Faro’weyne.

fariin noogu reeb