Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaaliland ayaa kulan la qaatay Wakiilka midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Ambaasatoor Nicolos Berlanga Martinez.
Midawga Yurub oo ah qaadhaan bixiyaha ugu ballaadhan ee waxbarashada Somaliland ayaa kulan la qaatay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaraddaasi.
Markii kulankaasi soo dhammaaday waxa warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii laga wada hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Axmed Abokor Maxamed, waxaaan uu sheegay inay ka wada hadleen ambaasatoorka iyo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadu sidii loo xoojin lahaa wada shaqanta ka dhexeysa labada dhinac, qorshaha waxbarashada Somaliland iyo fidinta maamul wanaagga.
Agaasimaha wasaaradda waxbarashada iyo saynisku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale Mr. Nicolos Berlanga ay siiyeen xog ku saabsan xaaladda waxbarsho ee dalka Somaliland. Waxaana uu xusay dhanka kale ay filanqeeyeen taageerrada midawga Yurub ee waxbarashada Somaliland ee sannadka soo socda, si loo waafajiyo qorshaha shanta sanno ee soo socda ee Somaliland oo uu tilmaamay in hadda lagu guda jiro samayntiisa.
Gebo gebadii agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada iyo saynisku waxa uu u mahad naqay ambaasatoor Nicolos Berlanga.