Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Oo Loo Diiday In Ay Booqdaan Musharax Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa Ku Xidhan | best 1

0

Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Oo Loo Diiday In Ay Booqdaan Musharax Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa Ku Xidhan

Masuuliyiinta sare ee xusbiga Wanadi ayaa maanta waxay xabsiga dhexe magaalada Hargeysa ku soo booqdeen murashax Qaasim Adan Saleebaan oo ka sharaxan gobolka sool gaar ahaana xisbiga Wadani ugu sharaxa goolaha wakiilada Somaliland kaas oo ciidamada booliska Somaliland ay xabsiga u taxaabeen maalintii shalay.Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Oo Loo Diiday In Ay Booqdaan Musharax Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa Ku Xidhan

Waxayna masuuliyiinta xisbiga wadani oo afkooda uu ku hadlayey Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah mudane Cabdiqaadir Jirde uu shaaciyey in taliyaha saldhiga dhexe ee boolisku si toos ah uga hor istaagay in ay booqdaan isla markaasna ay arkaan musharaxaas.Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Oo Loo Diiday In Ay Booqdaan Musharax Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa Ku Xidhan

Gudoomiyuhu waxa uu hadalkiisii ku bilaabay ”Dhacdo aan la qaadan Karin ayaa dhacday nin musharaxa oo komishanku ansixiyey oo maanta musharax rasmi ah  ayaa la soo xidhay Qaasim Aadan Saleebaan oo sool ka sharaxan.

Kobra oo ah ininta kaliya ee Burco  nooga sharaxna gurigii ayaa lagu weeraray oo waa la doondoonayaa anagu waxaan u aragnaa daandaansi (provocation) anagu ma jeclin dhibka doorasho ayaan u diyaar garawnay waxaanu ku han weyn nahay in aan guulaysan doono markaa anaga dani noogu ma jirto waxii doorasha qasaya dantaydu kuma jirto waxaan ugu tagnay maanta  musharax ku xidhan saldhiga dhexe in aanu soo booqano xeerkuna na siinayo qofkii halkaa ku jira in la soo booqdo oo xaaladiisa laga war hayo. Taliyihii saldhigu diidmo cad oo badheedh ah ayuu nala hor yimid.Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Oo Loo Diiday In Ay Booqdaan Musharax Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa Ku Xidhan

Cabdiqaadir Jirde ayaa waxa kale oo uu sheegay in musharaxiintaa lagu hayso xoriyadooda ay iskaga sharaxeen Wadani “Anaguna waxaan u aragnaa in ay khalad weyn tahay inantaana lagu raadsanayo xag daro oo la leeyahay maxaad xisbigaa isga soo sharaxday macnuhu waa intaa”

fariin noogu reeb