Maxaad kala socotaa jasiiradda Santa Cruz del Ilot | best 1

0

Maxaad kala socotaa jasiiradda Santa Cruz del Ilot

Jasiiradda “Santa Cruz del Ilot” oo ka mid ah jasiiradaha “San Bernardo” ee ku yaal biyaha Kariibiyaanka ah waa gobolka ugu cidhiidhsan adduunka, iyadoo 102 kun oo mitir oo laba jibbaaran, ay ku nool yihiin 1,200 oo qof.

Dadka jasiiradan ayaa ku nool cidhiidhi ka badan afar jeer kan ay ka cabanyaan dadka degan xaafadda Manhatn ee Newyork Dalka Maraykanka.Maxaad kala socotaa jasiiradda Santa Cruz del Ilot

Jasiiradan oo ay heleen koox kaluumaysato Kolombia ah 150 sano ka hor keliya waxay sheegeen inay ahayd jasiirada aan cayayaan ku noolayn taasi oo ay kaga duwanayd jasiirada kale.

Jasiradan waxa ka dhisan oo keliya 90 guri , dhamaan dadka way is awada yaqaaniin , lama xidho albaabada guryaha, laba dukaan iyo hal makhayaad oo ku taalla midkodna.Waxa kale oo ay leedahay hal dugsi. Jasiiraddan waxba laguma xado madaama tirada dadkuba ay kooban tahay.Maxaad kala socotaa jasiiradda Santa Cruz del Ilot

Waxaana ay sheegeen in dhibaatada u weyn ee haystaa tahay iyagoo dadka dhinta aan u hayn goobo ay ku aasaan. Dadka Degan ayaa aad uga cabsi qaba in haddii tirada dadku kordho ay dhibaato noqon doonto in lagu noolaado jasiiradan cidhiidhiga ah, waxayna codsaden in wax laga qabto mushkuladda dhul la’aanta ah ee haysata.Maxaad kala socotaa jasiiradda Santa Cruz del Ilot

Maxaad kala socotaa jasiiradda Santa Cruz del Ilot

fariin noogu reeb