Nin ayaa maalin u tegay faaliye, markaasi ayuu ku yidhi waxaan doonaya inaad musaqbalkayga wax iiga sheegto ?
Faaliyihi ayaa ku yidhi “ Waxad bixin doontaa 40 Dirham, marka hore”.
Ninkii ayaa ku yidhi “ Iska dhaaf , waxba garanmaysid, haddii aad wax garanayso waxaad ogaan lahayd inay jeebadayda ku jirto 20 Dirham keliya. Si aan markiiba kuu siiyo.
Nin aad u jecel raashinka ayaa isna soo maray goob rag badani raashin ku cunayaan oo u garanayo? Way yaqaaneen inuu yahay cunto boobee , markaasi ayuu weydiiyay waxay cunayaan. Waxaana ay ugu jawaabeen waa raashin sumaysan ee iska dhaaf adigu yaanad ku dhimane . Isuguna intuu dhinaca kaga bilaabay ayuu ku yidhi “ Waan idinla cunayaa, noloshu ma iyadaaba qiimo leh idinka dabadiin. “