Mid Kasta Waxa uu Gaadhay Hadafkiisa

0

Maalqabeenka Maraykanka ah Mr.Bill Gate oo ah ninka leh shirkadda weyn Microsoft ayaa sheegay in wakhtigii uu ku  jiray waxbarashadii Jaamacadda uu imtixaankii ku  dhacay dhowr maado, laakiin ninka ay saaxiibka yihiin uu dhamaantood  ku gudbayay derejooyin sare.

Bill Gate ayaa intaasi ku daray in saaxiibkii maanta uu yahay Injineerka Shirkadda, halka isaguna uu yahay ninka iska leh shirkadda Microsoft oo sanadkii hesha faa’iido dhan $21.5 billion.

Fikirka inaad wax yeelato waxay u baahan tahay dadaaal, inaad sidoo kale aqoon iyo cilmi barataan iyana waa mid u baahan dadaal kale. Labadooduna mid kastaa fikirkiisa waa gaadhay oo mid hanti ayuu yeeshay kan kale aqoonta lagu wado hantida ayuu gaadhay.  Bill Gate ayaa sheegay in isaga hamigiisu ahaa inuu maalqabeen noqdo waana uu gaadhay, halka saaxiibkana uu gaadhay yoolkiisa aqoonta ahaa.

 

fariin noogu reeb