Xildhibaanada Cusub ee gollaha Wakiillada Somaliland ayaa Maanta loo furay aqoon Korodhsi loogu tilmaamayo Waajibaadka hor yaala Kaas oo ka qabsoomay Huteel Ambassador ee Caasimadda Hargaysa.
Tababarkan waxaa iska kaashay dalladda Ururrada Bulshada rayidka ah ee SONSAF iyo ururka SOYDAVO Waxaana furitaankiisii ka qayb galay Gudoomiyeyaasha Xisbiyadda Ucid, Waddani, Wasiiradda Warfaafinta,Xidhiidhka gollayaasha, Iyo Mas’uuliyiin kale .

Guddoomiyaha dalladda SONSAF Mr.Anwar Cabdiraxmaan Warsama ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay wada shaqayn fiican ay la yeeshaan gollaha cusub ee wakiilladda Maadaama ay Mudo ku dhow Toban Sanno ay Wada shaqayn la lahaayeen golihii iyaga ka horeeyay ee ay Xilka kala wareegayaan.

Xildhibaan Aadan Macallin oo ka tirsan Baarlamaanka Kiiniya oo ka hadlayay kulanka aqoon-korodhsi ee xubnaha cusub ee Baarlamaanka Somaliland ayaa dawladda Somaliland iyo dadkeeda ugu baaqay in hawlo badan oo ay qabsan karaan aanay uga maagin aqoonsi la’aanta dalka, Waxa uu xusay in Somaliland iyo Somalia ay kala yihiin laba dal oo kala gaar ah, Xildhibaan Aadan Macallin waxa uu intaas ku daray inuu ku faraxsan yahay inuu ka qayb galo Tababarka la siinayo gollaha cusub ee Wakiillada ee Shacabku sida tooska ah u soo doortay.

Wasiirka Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan ayaa u sheegay xubnaha cusub ee Gollaha Wakiillada inay u diyaariyeen khubaro ka taageeri doonta dhanka shuruucda oo ka socda dalka ingiriiska, waxa kale oo wasiirku sheegay in ay golaha u diyaariyeen xarun xubanaha goluhu ku qabsadaan hawlahooda.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay inuu mudo ka badan 12 Sano uu xubin ka soo ahaa gollaha wakiillada Waxa uu xusay in la qiyaasi karo waxa Xildhibaanka la soo doortay Maskaxdiisa ku jira ee uu ka fikirayo, Wasiir Koore waxa uu Tilmaamay inay kala Madax bannaan yihiin Waaxyaha dawladu Laakiinse ay jirto qaab ay u wada shaqeeyaan Waxaanu intaas ku daray in aanay Jirin Cid ku faro gelin karta Gollaha Cusub ee Wakiillada Waajibaadka distooriga ah ee ay leeyihiin.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C/raxmaan Cirro ayaa ugu baaqay xildhibaannada cusub ee golaha Baarlamaanka inay ka faa’idaystaan aqoon waxaanu ballan qaaday inay ku kordhin doonaan wixii khibrad ah maadaama uu Mudo dheer soo ahaa Gudoomiyaha Gollaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay madasha aqoon is weydaarsi ee xubanaha cusub ee golaha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay mudanayaasha inay ka fikiraan sidii ay dalka uga saari lahaayeen nidaamka qabyaaladda ee dalka barriinsaday isla markaana ay dalka ugu xidhi lahaayeen adduunyada kale, Waxa uu Gudoomiye Faysal intaas ku daray in gollahani yahay mid dheeli tiraya Waaxyaha kale ee dawladda.