Muhiimada ay Leedahay Doorashada Imaamka Masjidka | best 1

0

Muhiimada ay Leedahay Doorashada Imaamka Masjidka

Qarinigii 15aad khilaafadii Cusmaaniyiinta waxa xukumayay amiir Suldan Sulayaan Alqaanuni, waxayna wakhtigaasi ka talin jirtay dhul ballaadhan oo dunida ah. Casrigaasi waxa hawlaha ugu adag ee bulshada Muslimiintu waxay ahaayeen imaamada Masaajida.Muhiimada ay Leedahay Doorashada Imaamka Masjidka

Waxaana jiray marka Masaajid looga baahdo in shuruudo badan lagu xidhi jiray ninka soo doonta Imaamka. Madaama Masaajidku yahay goobta bulshadu ku kulanto maalin kasta.

Imaamadii wakhtigaasi shuruudahaasi ayay buuxiyeen waxaana ay ahaayeen sidan:Doorashada Imaamka Masjidka

1-Inuu  Quraanka kariimka aad u bartay, Injiil iyo Tawraat yaqaano.

2- Inuu luqadda Carabida , Turkiga, Faarisiga iyo kuwa latiiniga ahba yaqaano.

3-Inuu yaahay caalim shareecadda Islaamka, Fiqiga, siirada Nebiga iyo Taariikhada Islaamka aqoon weyn u leh.Doorashada Imaamka Masjidka

4-Inuu xisaabta iyo cilmiga wakhtiyada iyo deegaanka aad yaqaano.

5-In Fardaha si fiican u fuuli yaqaano kuna dagaalami karo.

6-Inuu cod fiican yahay  7- Inuu muuqaal fiican leeyahay. 8- Inuu yahay qof lagu dayan karo oo wanaagsan. Haddaba wakhtigaasi iyo kuwan maanta sida ay Imaam ku noqdaan is barabar dhig.!

Doorashada Imaamka Masjidka

fariin noogu reeb