Muhiimadda Cabbista Sharaabka Liin Macaanta
Dadka badankoodu waxay ku kalahaan cabbitaanka shaaha iyo kafeega, balse waxa cilmi-baadhiso caafimaad oo badan muujiyeen in qofka subaxa hore caba liin-macaan qasan caafimaadkiisu aad u fiicnaado.
Haddaba, waxaynu akhristayaashayada ugu talagalnay faa’iidada caafimaad ee ay liin-macaanku qofka u leedahay, annagoo ka soo kala ururinay daraasado tiro badan oo laga sameeyey arrintan.
1.Waxan taageertaa in hab-dhiska difaaca cudurradu si fiican u shaqeeyo:Â Liin-macaanta waxa ku badan faytamiinka C-da la yidhaah, kaasoo caan ku ah inuu jidhka ka caawiyo in hab-dhiskiisa difaaca cudurradu noqdo mid si fiican u shaqaynaya, kaasoo difaac fiican u yeesha inuu ka hortago khataraha ku iman kara hab-dhiska neefsiga amma dhuumaha neef-mareenka.
Waxa kale oo liin-macaanta ku jira maaddo la yidhaa Ascorbic acid, taasoo la mid ah Faytamiin C-ga, kana difaacda qofka in caabuq jidhkiisa ku dhasho.
Maadada Saponins oo sidoo kale laga helo liin-macaanta laf ahaanteedu waxay ka hortagtaa walxaha cudurrada wada ee jidhka dibadda ka soo galaya, taasoo qofka sida joogtada ah liinta u qasta aannu qaadi karin xannuunka durayga amma hargabka. Maadada ascorbic Acid ee liin-macaanta ku jirta waxa ku badan macdanta Iron-ta, taasoo ka qaybqaadata in hab-dhiska difaacu si fiican u shaqeeyo.
2. Waxay caawisaa hab-dhiska dheef-shiidka Liin-macaanta macdanta ku jirta ee la yidhaa Citrus Flavonols waa ta ka masuulka ah in hab-dhiska dheef-shiidku si fiican u shaqeeyo, waxaanay nadiifisaa, kana shaqaysiisaa beerka. liin-macaanta qasan waxa inta badan lagu yaqaan in hab-dhiska dheef-shiidka ay ku caawiso Hydrochloric Acid si dheef-shiidka calooshu si fiican wax ugu ridqo.
Faytamiin C-ga oo sidoo kale liinta ku jira waxa uu ka hortagaa in qofku yeesho boog-calooleed sababta in gaastari qofku qaado amma bakteeriyada Helicobater Pylori oo aakhirka qofka boog ku keenta.
3 Waxay nadiifisaa maqaarka:Â Vitamin C-ga ku jira liin-macaanta amma walxaha kale ee antioxidans ah waxay maqaarka ka ilaaliyaan in dhaawaca soo gaadha han-baabuqo amma in maqaarka ay dhaw soo gaadhsiiyaan sunta degaannada ka jirta ee dikhawga hawadu sababto, gaar ahaan kuwa keena in maqaarku is laalaabo amma coodh-coodho.
Liin-macaanta oo afka laga qaataa waxay yaraysaa dhaawaca maqaarka soo gaadha ee keena laalaabka amma finanka tirade badan ee qofka maqaarkiisa ka soo baxa, waxaanay dhiigga ka saarta sunta cuntooyinka qaar sababaan.
4. Waxay Acida ka badhxisaa jidhka:Â Inkastoo dhadhanka liin-macaantu u muuqdo mid Acid ku badan tahay, haddana xaqiiqadu waxay tahay in ay ka mid tahay cuntooyinka ugu wanaagsan ee jidhka ka badh-xiya Acid, sababtoo ah liintu waxay ka kooban tahay Ascorbic iyo Citric Acid, kuwaasoo ah qaar diciif ah oo macdanta liinta ku jirta u ogolaada inay jirka badhxiso oo Acid riban ka yarayso.
5. Waxay ka qaybqaadata in nabaradu hore u bogsadaan:Â Aysiidha la yidhaa Ascoric Acid ee loo yaqaan Faytamiin C, lagana helo liin-macaanta waxay ka qaybqaadata in dhaawacyada jidhka qofka soo gaadha hore u bogsadaan, waxa mid ka mid ah nafaqooyinka muhiimka u ah bogsashada nudaha, lafaha iyo carjawaha jidhka. Faytamin C-gu waa shay ka hortaga caabuqa, kaasoo daawo sidoo kalena ka ah in qofka maskaxdiisu culays dareento.
6. Waxay dawo ka tahay Fuuq-baxa:Â Qofka subax kasta caba amma qasta liin-macaanta waxay ka caawisa in hab-dhiska dheef-shiidkiisu si fiican u shaqeeyo, jidhkana waxay ka saarta walxaha qashinka amma suntan ah ee ka hadha inta jidhku ku guda jiro burburinta cuntada, waxaanay soo celisa dhammaan fuuq baxii qofka ka baxay.
7. Waxay Hoos u dhigtaa Miisaanka:Â sida ay aaminsanyihiin Khubarada ku takhasusay nafaqada Liintu waxay si dar dar u ridaa miisaanka. sidoo kale waxay jidhka ka nadiifiisa sunta iyo qashinka gudaha
8. Waa Tamar aad u wanaagsan:Â Liin-macaanta qasan waxay jidhka siisa tamar uu si fiican ugu shaqeeyo, taasoo ka ilaalisa qofku intuu hawlaha culus ku jiro in uu murugoodo amma culays maskaxda ah dareemo, sababtoo ah waxay dejisaa hab-dhiska neerfisyada ee fariimaha ka soo qaada, geeyana maskaxda.
Waxtarka liin macaanta 10 faaiido cajiiba
Liin macaan waxay leedahay faaiidooyin caafimaad oo badan waxaana ka mida ilaalinta indhaha iyo hagaajinta araga iyo sare u qaadida baahida hamada ka hortaga calool istaaga iyo hagaajinta nidaamka difaaca jidhka hagaajinta niyada , kor u qaadida caafimaadka ilkaha, hagaajinta cadaadiska dhiiga, hagaajinta, hagaajinta muuqaalka maqaarka, ka hortaga koritaanka unugyad kansarka, kor u qaadida dheefshiidka cuntada iyo ilaalinta wadnaha.
Liin macaanta
Liin macaantu waa khudrad caan ah meesha aad dunida ka joogtaba waad helaysaa umana baahna aqoonsi gooniya waayo waxay ka mid tahay khudaarta maalin kasta dunida oo dhan laga cuno, xaqiiqdii waa mida ugu caansan noocyada liinta ee ka tirsan qoyska liinta ee loo yaqaano citrus sidaa darteed liin macaanta waxay wuxuu alle ku abuuray dhadhan wanaagsan waxayna kor u qaadaa caafimaadka qofka bini aadamka ah.
Qiimaha nafaqeed ee liin macaanta 100kii gram
Calories-47
Fiber- 2.40g
Total carbonyhrate- 11.75g
Potassium-168g
Vitamin A-7.5
Vitamin C 90
Iron 1%
calcium- 4%
Faaiidooyinka liin macaanta
Waxay ilaalisaa indhaha waxayna xaqiijisaa aragtida
Cunista cuntooyinka hodanka ku ah vitamin C waxay gacan ka gaystaan caafimaadka indhaha sidaa darteed liin macaanta waa il muhiim ah oo laga helo Vitamin C waxayna indhaha ka ilaalisaa nabaad guurka.
Waxay la dagaalantaa calool istaag
Calool istaag wuxuu yimaadaa markay dhibaato ku dhacdo gudbinta saxarada oo ah saxarada oo aan caadi ahayn oo adag sidaa daraadeed liin macaanta hadii aad cunisteeda joogtayso waxay ka hortag wanaagsan u noqonaysaa inaad yeelato calool istaag ama calool fadhi.
Waxay xoojiysaa difaaca jidhka
liin macaanta waxa ku jira vitamin, waxaana la ogyahay in fiitamiinka ku jira liin macaanta uu sare u qaada shaqada difaaca jidhka waxayna liin macaantu gacan ka gaysataa hawlaha difaaca jidhka ee u baahan isla markaana raba inay baabiiyaan cudurada.
Waxay hagaajisaa niyada
Liin macaanta waxay qofka cuna ka caawisaa kor u qaadida niyada iyo yaraynta niyadjabka iyo walwalka sidoo kale cunitaanka liinta wuxuu kuu horseedaayaa deganaansho sidaa awgeed liin macaanta waxaa taariikh ahaan loo isticmaali jiray daaweynta walbahaarka .
Waxay kobcisaa caafimaadka ilkaha
Dayactirka ilkaha iyo ciridka waa inay mudnaanta koowaad lahaadaan marka laga hadlaayo daryeelka afka maadaama infakshan uu waxyeelayn karo ciridka sidaa awgeed liinta waxay gacan ka gaysataa caafimaadka ciridka iyadoo la xoojinaayo xididada dhiiga iyo unugyada xajiyada ciridka iyo ilkaha .
Faaiidooyinka kale ee liin macaanta
Waxay nidaamisaa cadaadiska dhiiga
Waxay wanaajisaa muuqaalka maqaarka
Waxay ka hortagtaa koboca unugyada kansarka
Waxay dhiirigelisaa dheefshiidka cuntada
Waxay kaa caawinaysaa maaraynta neefta
Waxay ilaalisaa caafimaadka wadnaha
Midhaha liin macaanta waa midho aad loo jecel yahay waana midho laga helo faaiidooyin caafimaad oo tiro badan waxayna jidhka qofka siiyaan nafaqooyin wanaagsan sidaa darteed cabitaanka liin macaanta waxaa laga helaa fiitamiino aad u badan oo waxtar u leh caafimaadka sidaas darteed waxaa muhiim ah in lagu dadaalo cunitaanka liin macaanta iyo cabitaankeeda.