Munaasibad lagu xusayo sannad guurada 28aad ee Ciidamada Millateriga Somaliland oo Hargaysa lagu qabtay | best

0
Munaasibad lagu xusayo sannad guurada 28aad ee Ciidamada Millateriga Somaliland oo Hargaysa lagu qabtay

Hargeysa (Xogside)  Taliska guud ee ciidadama Millateriga Somaliland, ee magaalada Hargaysa, ayaa lagu qabtay munaasibad lagu xusayo, sannad guurada 28aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay ciidamada qalabka sida 28 sanno kahor.Munaasibad lagu xusayo sannad guurada 28aad ee Ciidamada Millateriga Somaliland oo Hargaysa lagu qabtay

Munaasibada ayaa waxa kasoo qayb galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, wasiirka gaashaan dhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, taliyaha ciidanka millateriga sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil sar sare oo ka socota xukuumadda iyo ciidamada kala duwan ee Somaliland.Munaasibad lagu xusayo sannad guurada 28aad ee Ciidamada Millateriga Somaliland oo Hargaysa lagu qabtay

Dhinacakale, waxaa kasoo qayb galay saraakiil ciidan oo ka socota dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti, iyadoo dowlada Jabuuti ay ka socdeen taliyayaasha ciidamada booliiska,  cirka, madaxtooyada, badda, Jandar Marega ee dalka Jabuuti iyo saraakiil kale.Munaasibad lagu xusayo sannad guurada 28aad ee Ciidamada Millateriga Somaliland oo Hargaysa lagu qabtay

Waxa kale oo goobta ku sugnaa saraakiil u badan tababareyaal oo ka socda dowlada Ingiriiska.

Madaxweyne Biixi ayaa dhankiisa ciidanka ugu hambalyeeyey munaasibada sannad guurada isaga oo xusay kaalinta ay Somaliland ugu jiraan marka ay noqoto amniga iyo dowlad dhiska.

Saraakiishii kala duwanayd ee kasoo qayb galay munaasibada, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada millateriga oo maanta 28 sanno jirsaday.

Munaasibad lagu xusayo sannad guurada 28aad ee Ciidamada Millateriga Somaliland oo Hargaysa lagu qabtay

fariin noogu reeb