Musharaxiin Goolaha Deegaanka Ceel-Afweyn Oo Isku Tanaasulay | best 1

0

Musharaxiin Goolaha Deegaanka Ceel-Afweyn Oo Isku Tanaasulay

Hargeysa (Xogside)  – munaabisad heerkeeda si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday huteelka Liibaan degmada Ceel afweyn ayaa musharax xisbiga Kulmiye  ugu sharaxnaa goolaha deegaanka Ceel-afweyn oo lagu magacaabo cabdirisaaq jaamac diiriye waxa uu u tanaasulay musharaxa goolaha deegaanka ee xisbiga Wadani Cabdilaahi Axmed Abyan,munaasibadan wax ka soo qayb galay madaxa xisbiga Wadani ee Ceel-afweyn, ugaal, haween, waxgarad, iyo waayeel aad u badan.Musharaxiin Goolaha Deegaanka Ceel-Afweyn Oo Isku Tanaasulay

Ugu horayna wax ka hadlay ugaasha, haweenka, waxgaradka, iyo waayeelka oo bogaadiyey sida ay u dhacday arintan isku tanaasulka , duco iyo bogaadina u soo jeediyeen musharaxaa tanaasulay.Musharaxiin Goolaha Deegaanka Ceel-Afweyn Oo Isku Tanaasulay

Dhanka kale waxa isagaguna hadal ka jeediyey musharaxa tanaasulay oo cadeeyey in uu u tanaasulay  isna casilay xubanimadii xisbiga kulmiye ee uu ka sharaxnaa, sidoo kale waxa uu cadeeyey in aanay faadiido badani ku jirin in xildhibaanba xildhiibaanka kale hoos caro , waxa uu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey in uu  kula shaqan doono habka ugu wanaagsan ee ugu meeqaamka saraysa ee loola shaqeeyo qof bila’aadana.Musharaxiin Goolaha Deegaanka Ceel-Afweyn Oo Isku Tanaasulay

Ugu dambeyntii waxa uu musharaxa loo tanaasulay  uu sheegay waxa  uu dheeryahay musharaxiinta kale ay in ay tahay in uu yahay musharaxa kaliya ee lix musharax oo cabdirisaaq u dambeeyey  u tanaasushay , waxanu uga mahad celeyey si fiican ee u igu tanaasulay. Sidoo kale  dhamaan dadkii ugu hadhay musharaxnimadaa goolaha deegaan u mahad naqay.

Gobogabadiina gudoomiyaha xisbiga Wadani  ee degmada Ceel-afweyn Cabdi Ciise oo halkaasi ka hadlay waxa uu geestiisa soo dhaweeyey tanaasulkan ay isku sameeyeen musharaxiintani.

Musharaxiin Goolaha Deegaanka Ceel-Afweyn Oo Isku Tanaasulay

fariin noogu reeb