Muuqaalka Arrimaha Laga Eego Si loo xakameeyo nafta | best 1

0

Muuqaalka Arrimaha Laga Eego Si loo xakameeyo nafta

Xogside – Wakhtiyo badan marka aynu doonayno in arrin aynu xukuno ama wax ka sheegno waxa ugu horeeya ee aan soo qaadanaa waa muuqaalkiisa guud, markaa haddii uu yahay shaygaasi mid aynaan inagu haysan qofka haystana aynu u arkaynu mid si fiican ugu raaxaysnaya waxaynu jeclaanaa helidiisa iyo haysashadiisa, hadduu yahay maal,xakamaynta nafta magac iyo mansaba.xakamaynta nafta

Xaqiiqduse waxay tahay in aynu muuqaalkiisa sare keliya aynu xukunka saarnay, haddiise aynu ka warqabi lahayn xaaladda nololeed ee hoose ee qofka haystaa waxa laga yaaba in aynu Allah u mahadnaqi lahayn oo aynaan jeclaaneen helidiisa iyo haysashadiisa midkoodna.xakamaynta nafta

Haddaba waxa fiican in  qof  kastaa ku qanco wixii Allah (sw) siiyay oo ku mahadnaqo isagoon waxba indhaha u taagin waxa qof  kale haysto, qanaacduna waa khasnad aan dhamaan.  Biyaha yari way ku nabad geliyaan, biyaha badana waaba lagu haftaa oo ku haligaa, maaha badnida xikmadu waa qanaacadda.

Muuqaalka Arrimaha Laga Eego Si loo xakameeyo nafta

fariin noogu reeb