Muxuu Naboliyon Ka Aaminsaa Gabadha?

0
Muxuu Naboliyon Ka Aaminsaa Gabadha?

Xogside – Naabilyoonkii mar dunida islaamka weerarka ku ekeeyay ayaa waxa la sheegay inuu yidhi saacaddu waxay leedahay lixdan daqiiqo, daqiiqadduna waxay leedahay lixdan ilbidhiqsi, gabadhuna ilbidhiqsi kasta waxay leedahay ra’yi aan ahayn keedii hore.Muxuu Naboliyon Ka Aaminsaa Gabadha

Inkasta oo hadalka Nabeliyoon xag jir yahay haddana caadifadda gabadhu way ka xoog badan tahay tan ninka, sidaas awgeed way uga naxariis badan tahay waalidkeeda, carruurteeda iyo dadka kaleba marka la barbar dhigo raga.Muxuu Naboliyon Ka Aaminsaa Gabadha

Caaddifadda iyo dareenkeedu waa mid si dag-dag ah u shaqeeya, oo waxaa laga yaabaa inay si fudud u cadhooto, haddii la taabto ama wax laga sheego shakhsiyaddeeda wax la xidhiidha dhaqankeeda.Muxuu Naboliyon Ka Aaminsaa Gabadha

Waxa kale oo jira in rabitaanka iyo doonida gabadhu uu ka daciifsan yahay ka raga, waayo waxay gabadhu doontaa aad ayuu u badan yahay, waxaana  si deg-deg ah isu bedela muraadkeedu.

Ceebna maaha kala duwanaanshaha caadifadeed ee raga iyo haweenku, waa mid mid is dhamaystir iyo qurux u ah labada dhinacba waana sida ay noloshu ku dhisan tahay xikmadda ilaahayna doontay.

( KItaabka  gabadha Iyo Qanunka Sh.Mustafe Subaaci)

Muxuu Naboliyon Ka Aaminsaa Gabadha?

fariin noogu reeb