Nancey Wake waxay ku dhalatay 30-kii bishii August sanadkii 1912kii , magaalada Wellington caasimadda dadka badan ee NewZealand. Wake waxay ahayd gabadha ugu yar lixda caruur ah ee uu qoyskoodu ka kooban yahay. Sanadkii 1914 ayuu qoyskoodu u guuray Australia , waxayna degeen waqooyiga Sydney.
Waxay dhigan jirtay dugsigii ku yaallay waqooyiga Sydney ee lagu baran culuumta guriga ( Home science) . Markii ay gaadhay 16 sano waxy ka baxsatay gurgigooda waxayna ku shaqaysay sidii qof kalkaaliye caafimaad ah.
Waxay ugu safartay Newyork 200 Ginni oo ay ka dhaxashay Edeed, iyadoo markii danbe uga gudubtay London halkaasi oo ay ka heshay tababar saxaafadda ah. Sanadkii 1930 ayay shaqo ka heshay Prise. Laakiin markii danbe waxay shaqo ka heshay Hearst Newspapers oo ah , wargeysa uu maalgeliyay William Randolph Hearst oo ah Maraykan xaruntiisuna tahay Newyork , waxayna noqotay weriyahooda Yurub.
Waxay goob joog ka ka ahayd soo bixitaankii Nazi-ga Jarmalka iyo dhaqdhaqaaqiisa. Waxa kale oo ay arki jirtay iyagoo askarta Nasigu si aan kala sooc lahayn ugu garaacaya Ragga iyo dumarka Yuhuudda dariiqyada Vienna (Austria).
Sanadkii 1937 Nancey Wake waxay kulmeen maalqabeenkii Faransiiska ah Henri Edmond kaasi oo guursaday sanadkii 30-kii November 1939, iyadoo ahayd gabadh aad u qurux badan. Waxayna degaynayd magaalada Marseille oo ku taalla xeebta Medetreian ee Faransiiska, markii Jarmalku ku soo duulay ee uu qabsaday Faransiiska .
Sanadkii 1940 oo ahayd markii Jarmalku qabsaday Faransiiska waxay noqotay kooxihii warka u qaadi jiray ciidankii iska caabinta ee Faransiiska, markii danbena waxay ka mid ahayd kooxdii baxsadka ahayd ee Lietenant Colonel Gran Garrow oo ah sarkaal ciidanka Ingriiska ahi uu geeyay London.
Kartideedii iyo feejignaanteeda ayaa ahayd mid aad u saraysay , oo ay awoodi waayeen hay’adii Gestapo inay ku guulaystaan qabashadeeda, waxayna u bixiyeen Jiirkii caddaa iyagoo hawlaheed basaasidda ahna ku magacaabay hawlgaladii saaxirda (Witch Operations).
Waxay ahayd shakhsigii iyo sirdoonkii ay ugu raadinta badnaayeen Gestapo iyagoo madaxeed dul dhigay lacag dhan 5 miliyan oo Faran kaasi oo ay u balan qaadeeninay siin doonaan qofka soo sheega Nancy Wake halka ay ku sugan tahay. Waxay ahayd gabadh si joogto ah khatar ugu jirta her life was in constant danger iyadoo Gestapo telephonkeeda iyo fariimaheeda marar badan dhex geli jirtay oo kala goyn jirtay fariimaha ay dirayso.