Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Hargeysa Stadium Iyo Kooxda Faynal U Soo Baxday

0

Hargeysa (Xogside) – Ciyaartii galabta ee Hargeysa Stadium ayaa waxa isku waajahay degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe, ciyaartaasoo labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar wanaag isku dheelitirnaan.

Ciyaartan oo ahayd mid xiiso leh, ayaa qaybtii hore ee ciyaarta waxa goolkoodii koobaad keenay degmada Axmed Dhagax oo daqiiqaddii 24aad uu u saxeexay ciyaaryahan Mubaarik, goolkaaso oo xamaasadda ciyaarta dhadhan u sii yeelay, ayaa kooxdii ku ciyaaraysay magaca degmada Maxamuud Haybe waxa goolkii lagu lahaa ay iskasoo gudday daqiiqaddii 38aad, waxaana qaybtii hore ee ciyaartu ay kusoo idlaatay gool iyo gool.

Qaybtii dambe ee ciyaarta, markay qolo walba ay lasoo tashatay macalinkii laylinayay ayaan wax gool ah la iska dhalin, iyadoo koox waliba ay ku dadaalaysay sidii ay u keeni lahayd goolka badiska ah.Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Hargeysa Stadium Iyo Kooxda Faynal U Soo Baxday

Markii 90-kii daqiiqo ee ciyaartu ay soo dhammaadeen ayaa lagu daray 2 daqiiqo oo dheeri ah, taasoon iyana waxba ka baddalin natiijadii hore ee ciyaarta.

Waxaana ciyaartu ay u gudubtay gool ku laad ama rikoodhayal, waxaana guushu ay raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca degmada Axmed Dhagax oo kaga badiyay dhiggooda 3 Gool iyo 1 Gool.

Koobka degmooyinka ee Caasimadda Hargeysa waxa Faynal isugu baxay degmooyinka Maxamed Mooge iyo kooxda difaacanaysa horyaalka degmooyinka caasimadda Hargeysa ee Axmed Dhagax.

Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Hargeysa Stadium Iyo Kooxda Faynal U Soo Baxday

fariin noogu reeb