Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Hargeysa | best 1

0

Hargeysa (XOGSIDE) – Koobkii degmooyinka ee Caasimadda Hargeysa waxa maanta wada ciyaaray degmooyinka Axmed Dhagax iyo 26-ka Juun, taasoo kusoo dhammaatay natiijo bar barro ah.Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Hargeysa

Ciyaartan oo ahayd mid xiiso leh ayaan qaybtii hore ee ciyaarta la iska dhalin wax goolal ah, iyadoo labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar weerar iyo weerar celis ah oo adag.

Qaybtii dambe ee ciyaarta markii la iskugu soo noqday ee koox waliba ay lasoo tashatay macalinkeeda layliya ayaa degmada Axmed Dhagax oo ah degmada difaacanaysa koobku ay dhalisay goolkeedii ugu horreeyay, daqiiqaddii 55aad, oo uu dhaliyay ciyaaryahan Nuur oo u ciyaara degmadaasi.

Markii ay soo dhammaadeen 90-kii daqiiqo ee ciyaartu ayaa waxa lagu daray shan daqiiqo oo dheeraad ah, taasoo goolka bar barraha ay ku keeneen degmada 26-ka Juun, kaddib markii ciyaaryahan Nadiir uu daqiiqaddii 94aad uu u dhaliyay.Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Hargeysa

Waxaana ciyaartii galabta ee garoonka Hargeysa Stadium ay kusoo dhammaatay natiijo gool iyo gool ah.Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Hargeysa

Koobka degmooyinka caasimadda Hargeysa waxa berri foodda is dari doona degmooyinka Ibraahin Koodbuur iyo Gacan Libaax.

Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Hargeysa 

fariin noogu reeb