nin heesaa ah oo maalintii ugu horaysay ee uu raaco diyaarad ku dhintay

0

Heesaagii Reginald Heliard ee dalka Maraykanka ayaan weligii raacin dayuuradaha isagoo ka baqan jiray, weligiina cagtiisa ma saarin.

 

Gabadhiisa “Barayana” ayaa bishii August sanadkii 2016 ka codsatay inuu ka aqbalo inuu dayuurad la raaco si hawada sare ugu dalxiisaan magaalada korkeeda iyadoo ahayd  munaasabadda maalinta dhalashadiisa.The two took their 45-minute flight at night over New Orleans on August 27,

Lamaanahan ayaa muddo 45 daqiiqo ah hawada sare ee magaalada ku qaatay New Orleans ee dalka Maraykanka, habeenkii 27 August.

Dhamaadkii dalxiiska duulimaadka ah, dayuuradda ayaa dib usoo fadhiisanaysay madaarka, oo ku dhinac yaallay webiga. Laakiin nasiib darro waxaa jiray duufaan xoogan oo wakhtigasi socday.

Diyaaradan ayaa ku dhacday meel u dhow xeebta, oo 1,000 mitir u jirta garoonka diyaaradaha, ninkaas iyo saaxiibkiisii, Captain James Piondo, ayaa ku xayirmay gudaha diyaaradda.

 

Nasiib wanaag waxa uu badbaadiyay gabadhiisa oo uu ku kursiga ku riixay si ay dayuuradda debedda uga baxado, taasi oo keentay inay ka badbaado shilkaasi, laakiin isaga iyo duuliyaha oo isku deyey inay ka baxaan gudaha Dayuurada way u suura geli weyday waxaana ay labadoodu ku dhinteen dayuuradda gudaheeda.

Maalintaasi waa markii ugu horaysay ee uu dayuurad raaco iyadoo haddana noqotay maalintii ugu danbaysay ee uu raaco iyo dhimishadiisa

fariin noogu reeb