Nolosha Dawladda Ugu Dadka Yar Afrika

0

Dalka Comoros ( Jusur AL Qamar) waxa uu ku yaalla badweynta Hindiya, iyadoo dalka dhinaca waqooyi ka xigo dalka Musaambiik, barigana Dalka Madagasgar

Dhinacyada kalena waxa ka xiga jasiiradda Seeshalis iyo dalka Tansaaniya. Comoros Waxa lagu tiriyaa inay tahay dalka saddexaad ee ugu yar qaaradda Afrika, ballaca dhulkiisa ayaa lagu qiyaasay 1.862 km2  ama 863 Mayl2 .  Tirada dadka ku nool jasiiraddan waxa lagu qiyaasay 798000 oo qof, waxaana ay noqotay dawladda lixaad ee ugu dadka yar qaaradda Afrika.

Comoros waxa ay ka kooban tahay afar jasiiradood, waxaana gumaysan jiray Faransiiska sidaa awegeedna luqadda rasmiga ee dalku waa Faransiis, luqadda Comoros iyo luqada Carabida ayaa iyana ah luqadaha labaad ee dalkaasi.

Dadka ku nool  99%,  waa muslimiin Sunniga ah. Waxaana la sheegay in qiyaastii 300 qof  1% , laga helo oo Kiristaan ah, kuwaasi oo dhammaantood la sheegay inay diinta Kiristaanka galeen dabayaaqadii sanadkii 1990-kii. Dalkaasi yar ayaa ka mid ah ururada  jaamacadda Carabta, Midowga Africa, Ururka Muslimiinta, Ururka dalalka ku yaal bad weynta Hindiya iyo ka Qaramada Midoobay.

Sanadkii 1975 ayay xoriyadooda ka qaateen Gumaystaha Faransiiska.  Beeraha, kaluumaysiga iyo dalxiiska, iyo barashada xirfadaha gacanta ayay dawladdu xooga saartaa si ay kor ugu qaado dhaqaalaha dalkaasi  iyadoo doonaysa inay yarayso heerka shaqo la’aanta dalkaasi ka taagan.   Dhibaatada ugu weyn ee wakhtigan haysataa waa baaxadda dhulka oo ku yar, taasi oo keenaysa in dhul beereedku uu noqdo mid kooban, iyadoo xukuumadduna qorshaynaysa habkii loo xalili lahaa tirada dadka ee badanaysa iyo dhul yaraanta Jasiiradda.

fariin noogu reeb