Nolosha Waxa Hakiya Mushkuladda!
Xogside – Subaxanimadii hore ee  bish June 22aad, sanadkii 1983, Istaanka tareenku ka dhaqaaqo ee ku yaalla caasimaadda Japan ee Tokoyo waxa istaadhmi waayay Tareenka saacadaasi la doonayay inuu dhaqaaqo. Rakaabka saacadaa saarna ayaa dhamaa 2500 qof,  oo badankoodu shaqo tegayay, halka qaarkoodna ay hawl kale u socdeen.
Dhamaan Farsamayaqaanada xarunta ka hawlgeliyay ayaa isku deyay inay Tareenka cillada ka saaraan oo ay is taadhaan si uu socodkiisa u bilaabo.
Wakhti uu rafaad iyo hawl adag la galay , ugu danbayntii waxa la helay in cayayaan yar oo 3 mm oo keliya ahi, uu ku dhegan yahay Mishiinka gudihiisa, kaas oo sababay cillada ku timi tareenka makiinadiisa. Â Wakhtiyada qaarkood nolosha waxa hakiya mushkulad oo aan muuqan. laakiin waxa loo baahan yahay in dadaal iyo baadhis lagu sameeyo si xalka loo gaadho.