Odayaasha Iyo Waxgaradka Degmada Ceegaag Ee Gobolka Saraar Oo Ka Hadlay Abaarta Ka Jirta Deegaankooga
Caynaba (Xogside) – Odayaasha iyo waxgaradka degmada Ceegaag ee gobolka Saraar oo warbaahinta dawladda la hadlay ayaa sheegay in xaalad abaareed ay ka jirto deegaankaasi.
Madax dhaqameedka degmadaasi Ceegaag ayaa fariin u diray dawladda dhexe ee Somaliland, oo ay ugu baaqeen in biyo dhaamis ay lasoo gaadho dadka deegaanka, oo ay tilmaameen inay faro ba’an ku hayso abaarta iyo biyo la’aantu/
Waxaana ay tilmaameen inay khatar ku jiraan dadka iyo duunyada deegaanku, kaddib markii ay biyihii ka dhammaadeen baraagihii ay adeegsan jireen dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaankaasi.
Odayaasha deegaanka Ceegaag waxa kale oo ay ugu baaqeen guddida abaaraha ee Somaliland inay xaaladda faraha lasoo galaan, isla mar ahaantaana ay wax ka taraan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanka,
Oo ay tilmaameen inay baahsan tahay, isla mar ahaantaana haddii aan xaaladda la gaadhin ay duunyo badan galaafan doonto.
Gebogebadii, waxay tilmaameen in baahida koobaad ee ay qabaan ay tahay gurmad biyo dhaamis ah lala soo gaadho, si looga hortago masiibo ka dhacda deegaankaasi, oo biyo la’aan adag wajahay.