Maayarka caasimadda Hargeysa oo ay wehelinayan xubno ka mid ah golaha deegaanka ee caasimadda iyo shaqaalaha dawladda hoose ee Hargeysa ayaa markale olole nadaafadeed ka fuliyay dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.
Waxa kasoo qayb galay ololaha oo uu horkacayay Maayar Mooge qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga, qaybaha bulshada iyo shaqaalaha dawladda hoose ee Hargeysa. Waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa oo sheegay inay ku dedaalayaan sidii ay u soo celi lahaayeen asalkii hore siduu ahaan jiray dooxa Hargeysa isla markaana ay fulin doonaan sidii ay hore u ballan qaadeen waxqabadkii ay kusoo ololeyeen ee ahaa Hargeysa nadiif ah oo cagaaran.
Xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac ayaa u mahad celiyay shacabka kala qayb qaadanaya olalaha nadiifinta dooxa weyn ee Hargeysa oo uu sheegay in markii labaad ay nadiifinayaan.
Waxaanu bogaadiyay shacab weynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo uu tilmaamay inay hogaansameen awaamiirtii dawladda hoosee ee Hargeysi ay kasoo saartay inaan qashin la geyn dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.