Somalia Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay is xakameeyaan oo wada hadal ku dhameeyaan khilaafka | best 1

0

Somalia Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay is xakameeyaan oo wada hadal ku dhameeyaan khilaafka

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa laga hadlay dagalladii xalay iyo shalay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa kale oo kasoo horjeeda muddo Kordhiska.Somalia: Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay is xakameeyaan oo wada hadal ku dhameeyaan khilaafka

Ugu horreyn Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay rabshadaha ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay walaac xoogan ka muujisay isku dhacyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa daacadda u ah siyaasiyiinta macaaradka ah.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay is xakameeyaan, wax welibana ay ku dhameeyaan wada-hadal iyo deganaan.Somalia: Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay is xakameeyaan oo wada hadal ku dhameeyaan khilaafka

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah,”.Somalia: Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay is xakameeyaan oo wada hadal ku dhameeyaan khilaafka

Hadalka ka soo yeedhay Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya, xilli maanta xaaladda Muqdisho ay yare dagan tahay, kadib dagaalladii shalay iyo xalay ka dhacay gudaha caasimada, iyadoo labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan goobihii lagu dagaalamay.

 

fariin noogu reeb