Qiimaha Qarinta Ceebaha Muslimiinta! | best 1

0

Qiimaha Qarinta Ceebaha Muslimiinta!

Saxaabiga Abuu Hureyra (Rc) wuxu Rasuulka Allah (scw) ka weriyay inu yidhi “ Qofkii ka fayda (ka dulqaada) qof mu’min ah kurbo (dhibaato) ka mid ah kurbada (dhibaatooyinka) dunida, isagana Allah (sw) wuxu ka feyda kurbo ka mid ah kuwa qiyaamaha,

Qofkii xoolo u gooya qof sabool ah, isagana Ilaahay baa xoolo gooya ifka iyo aakhiraba, Qofkii u xil qariya qof muslim ah, isagana Allaah (sw) ayaa ceebihiisa qariya (astura) if iyo aakhiraba,Qiimaha Qarinta Ceebaha Muslimiinta!

Qofkii jid mara isagoo cilmi doonaya llaahay baa u fududeeya Jidka Jannada loo maro. Allah (sw) wuu u gargaaraa adoomadiisa inta qofku u gargaarayo walaalahiis.Qiimaha Qarinta Ceebaha Muslimiinta!

Haddii ay Jamaaca ku kulanto guri ka mid ah guryaha Ilaahay iyagoo akhrisanaya Qur’aanka oo is-baraya, waxaa ku soo degeya xasilloonaan,waxaa daboolaysa naxariis Ilaahay, malaa’iktuna way la safanaysaa, llaahayna (sw) wuxuu ku xusayaa khalqiga agtiisa.Qiimaha Qarinta Ceebaha Muslimiinta!

Qofkii camalkiisu reebo nasabkiisu meel marin maayo.     (Waxa weriyay Muslim)

fariin noogu reeb