Qiso : Dhib Kasta Waxay Leedahay Xalkeeda

0

Ninkii lagu magacaabi Kalsum Binu Aqra wuxu ahaa abaandulihii ciidankii Umawaiyiinta,
laakiin waxa aad uga cadhooday Xajaaj Binu Yuusuf kaasi oo markii danbe u sameeyay
shirqool.

Khaliifkii Umawaiyiinta ayaa Kalsuum Ibnu Aqra ku xukumay in seef lagu dilo. Hooyadii oo
Umu kasluum ayaa u tagtay KHaliifka C/malik oo ka codsatay in inankeeda loo cafiyo.
Madaama ay ahayd islaan weyn oo 100 sano dhaftay waxa uu ku yidhi : Waxaad u tegaysa
Xajaaj, waxaana uu qori doona laba warqadood oo midkood uu ku qorayo hala dilo, tan kale yaan la dilin.

Wiilkaaga waxa la doorasiin laba midka uu qaato. Hadii uu daalim yahay Allah wuxu ku hagaajin doona tan ku fiican.  Hooyada oo ahayd mid caqli badan ayaa aad uga shakisnayad Xajaaj oo ah ninka marka horeba shirqoolka sameeyay inuu labada warqadood ku qoro “ Hala dilo” , kolba tii uu doortaa waa isku. Xaqiiqdii Xajaaj sidaasi ayuu yeelay.
Maalintii wiilka la keenay dadka hortooda oo isagoo Xajaaj ayaa isagoo dhoola cadaynaya yihdi “ Dooro laba warrqadood midkood “ . Ka dibnsa mid ayuu qaatay markaasi ayuu liqay oo caloosha dhigay.
Xajaaj ayaa ku yidhi oo warqadii iyadoon la akhriyin waxa ku yaalla ayaad liqday , markaa
xaalku waa side? Si dhib yar ayuu u yidhi “ DHib ma leh , warqada aan liqay ee aan qaatay, tii ka soo horjeday waa tan taalla, akhri iyadna taan waa tii kale” hal dilo iyo ladilin ayay ahayd oo keliya. Warqadii markii la eegay taalay waxa ku talla hala dilo. Sidaai ayuu ku nabad galay.
Inyar oo fikir ayaa keenaysa inaynu samaayno arimoo waaweyn, hadii aad rabto inad waxa
samayno waa inaad fikirtaa” Dib kastaana xal ayay leedahay.

fariin noogu reeb