qisooyin cajiiba : Xayawaanku way garanayaan goobaha looga naxariisto iyo inay iyagu isu naxariistaanba

0

Aqoonyahan cilmiga noolaha (Biology) oo  Maraykanka ah ayaa sheegay inuu ogaaday in bisad uu ninkii lahaa siin jiray raashin maalin kasta, laakiin raashinka aanay dhamaysan jirin.

Ninkan ayaa wakhti yar ka dib hadana arki jiray weelka oo madhan waxayna ku noqotay yaab!.

Maalintii danbe ayuu si gaar ugu fiirsaday waxa ay Bisadiisu samayso, waxaana uu ogaaday in Bisaddu raashinka hadhaaga ah ee ay reebto si qarsoodi ah ugu qaado bisad kale oo Indho beeshay oo aan raadsan Karin cunto.

Ninkii ayaa aad ula yaabay sida uu xayawaanka laftigiisu isaga warhayo waxaana uu soo qaaday bisadii indhaha la’ayd oo goobaha xayawaanada lagu xanaaneeyo geeyay.

Aqoonyahanka ayaa qiso kale ka waramay waxaana uu yidhi :”  Dhakhtar xayawaanada daweeya ayaa dariiqa ku arkay Ey  ka jabay lugihiisa midkood, waxaana uu qaaday xaruntiisa caafimaadka xoolaha iyo xayawaanka lagu daweeyo.

Dhakhtarka ayaa halkaasi uga bilaabay daawayn joogto ah ilaa uu ka bogsaday.

Markii uu bogsaday ayuu sii daayay oo iska tegay Eygii. Maalin danbe ayuu Dhakhtarku ka maqlay albaabka xaruntiisa caafimaadka Ey ciyaya, waxaana uu furay albaabka.

Markiiba waxa uu isha ku dhuftay Eygii uu daweeyay oo wada Ey kale oo isna dhaawac ah si aan u daweeyo.

Waxaana ay noqotay arin mucjiso ah. Xayawaanku way garanayaan goobaha looga naxariisto iyo inay iyagu isu naxariistaanba.

 

fariin noogu reeb