Qosolka Iyo Garaaca Wadnaha | best 1

0

Qosolka Iyo Garaaca Wadnaha

Nin lagu magacaabo Ole Bentzen oo u dhashay dalka Denmarka ayaa sanadkii 1989 isagoo daawanaya telefishinka  dhintay.  Wakhtigaasina waxa ka socday filim lagu magacaabo “Kaluunka Wanda”.

Jilaaga filimka ayaa soo bandhigay majaajilo la xidhiidha baradho la shiilay  iyada uu is isticmaalayay hab qosol leh, taasi oo dad badan ka qoslisay.Qosolka Iyo Garaaca Wadnaha

Mr. Ole Bentzen waxa uu ka mid ahaa dadkii sida xad dhaafka ah ugu qoslay majaajiladaasi, wakhtigaasi garaaca wadnihiisa ayaa gaadhay 500- 2500 Garaac halkii daqiiqo.

Halka Garaaca caadiga ah ee wadnaha dadka weyni ka yahaya 60-100,  waxaana ay ahayd mid xad dhaaf ah isla markaana keentay inuu wadnuhu istaago oo shaqada joojiyo isla markiibana ay naftu ka baxdo isagoo qoslayay Mr. Ole Bentzen.Qosolka Iyo Garaaca Wadnaha

Sanadkii 1975 nin kale oo isna u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabi jiray Alex Mitchell oo shaqaale ahaa aya dhintay isagoo daawanaya filimada qosolka ah ka dib markii uu galay xaalad aanu joojin Karin qosolkii xad dhaafka ah ee uu bilaabay.Qosolka Iyo Garaaca Wadnaha

Laakiin gabadhiisa ayaa tidhi “ Waan ku farxsanahay mar haduu dhintay isagoo qoslaya oo aanu murugo ku dhiman”.

Qosolku wuxu kordhiya garaaca wadanha, taasina waxa ay keenta in jidhku u baahdo dhiiga badan ogsijiin leh oo gaadha wadnaha. Qoslkuna hadii uu xadkiisa dhaafo wuxu sababi karaa Geeri. Qosolka badan iska ilaaliya si aanad xaalad halis ah u gelin.

fariin noogu reeb