Ra’iisul Wasaare Somaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Qahira

0

Ra’iisul Wasaarha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku tegey dalka Masar ayaa waxaa uu kulamo la yeelanayaa madaxda dalka Masar.

ra'iisul wasaare rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada qahira

Xiriirka ka dhexeeya dalka Soomaaliya iyo Masar ayaa boqolaal sano waxa uu ahaa mid wanaagsan,waxana lagu wadaa in ra’iisul wasaaruhu uu la qaato wadahadalo lagu sii xoojinayo xiriirka labada wadan madaxda dalka Masar.

ra'iisul wasaare rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada qahira

 

 

fariin noogu reeb