Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku wada yeeshay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Xubnaha ka ah DFS Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wakiilada beesha caalamka kaa oo ka dhacay Xalane.
Waxaa shir gudoominayay kulanka Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka waxaana looga hadlay heshiiskii laga gaadhay Arimaha Doorashooyinka iyo sidii looga shaqeyn lahaa Amniga guud ee Dalka.
Ra’iisluwasaare Rooble ayaana waxa uu hore u sheegay in xukuumadiisu ka shaqeyn doonto sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan taas oo ku dhacda si nabdoon.
Wakiilada Caalamka ayaa walaac ka qaba inuu fuli waayo heshiiska doorasho ee Muqdisho lagu gaadhay iyagoo ka cabsi qabaan in dhinacyada ay sidooda ku laabtaan.
Ra’isul wasaaraha ayaa sidoo kale taageero dhaqaale weydiistay wakiilada Beesha Caalamka taa oo lagu fududeynayo arrimaha doorashooyinka dalka.