Robert Philip Hanssen wuxu ku dhashay 18-ka April sanadkii 1944 magaalada sadexaad ee ugu dadka badan dalka Maraykanka ee Chicago , waxaana iska dhalay qoys ka soo kala jeeda Denmark iyo Jarmal. Aabihii wuxu ka tirsanaa saraakiisha Booliiska ee Chicago ee Dalka Maraykanka.Waxana uu ahaa mid aad u jecel wiilkiisa Hanssen wakhtigii uu yaraa.
Wuxu ka qalin jebiyay William Howard Taft High School oo ah dugsi dawladeed sare oo ku
yaallay dhinaca waqooyiga galbeed ee Chicago sanadkii 1962-kii. Markii uu dhamaystay dugsiga sarena wuxu galay Kulliyada Knox College oo 4 sano ka bartay cilmiga Chemistry-ga. Waa kulliyad weyn o sanadkii 2013 ka mid noqotay 75 jaamacadood ee ugu wanaagsan dalka Maraykanka.
Sanadkii 1966 ayuu ka qalin jebiyay kulliyadaasi waxaana uu qaatay shahaadad Bachelor degree in chemistry. Xafiiska sirdoonka Qaranka Maraykanka ayay ka banaantay shaqo ahayd qof ku sheqeeya cryptographer oo ah kan ilaaliya isgaadhsiinta la isu dirayo inay dhegaystaan dad kale oo sadexaad.
Laakiin haddana waxa diiday in shaqadaasi lo qaato sababo miisaaniyada la xidhiidhay. Wakhtigaasi ka dib wuxu dib ugu noqoday waxbarashadii isagoo iska diiwaan geliyay Northwestern University oo ka bartay cilmiga ganacsiga muddo 3 sano ah, waxaana uu ku qaatay shahaada MBA (master) oo ah cilmiga Accountinga iyo Computerka (MBA in accounting and information systems) sanadkii 1971-kii.
Wakhtigasi waxa shaqaalaysa shirkada dhinaca xisaabaadka ah, laakiin shaqadaasi wuu iskaga tegay sanad ka dib waxaana uu ku biiray waaxda Booliiska Chicago, isagoo baadhe arrimaha gudaha ah noqday, gaar ahaan xaakinka dacwadaha xisaabaadka ee muranku ku yimaaddo (forensic accounting).
Sanadkii 1976 ayuu iskaga tegay shaqadii booliiska waxaana uu si rasmi ah ugu biiray waxaada FBI oo ka shaqaysa sirdoonka arrimaha gudaha ee Maraykanka (Federal Bureau of Investigation). Markii uu dhiganayay Jaamacada Northwestern University waxay is barteen gabadha Bonnie Wauck waxayna is guursadeen sanadkii 1968.
Waxaana ay ahayd xubin firfircoon oo haysatay mad-habta Roman catholic taasi oo ay isagana ku qancisay inuu qaato markii ay u aragtay inuu yahay qof firfircoon oo faafiin kara madahabteeda waxayna la xidhiidhisay Catholic organization Opus Die oo ahayd mid hoos tagta Kiniisadda Roma isla markaana faafis madahabtaasi.
Markii uu noqday wakiilka gaarka ah bishii January 12, sanadkii 1976, Hanssen waxa loo bedelay xarunta FBI eek u taalla Gary. Indiana oo 40 Km u jirta Chicago. Sanadkii 1978 ayuu Hanssen iyo qoyskiisa balaadhanayay oo hooyadood iyo lix caruur ah ay dib usoo guureen magaalada Newyork. Wakhtigaaai ayuu si rasmi ah u bilaabay ururinta macluumaadka sirta ah ee gudaha dalka ee uu ku hawlan yahay Soviet Union.
Sanadkii 1979 oo ahayd markii uu 3 sano keliya la shaqaynayay FBI ayuu hawlaha uu qabto u bandhigtay Hay’dda GRU ee Ruushka , taasi oo ahayd hay’adda sirdoonka ciidamad ee debedda. May jirin arimoo siyaasadeed iyo kuwo diimeed oo ku triixiyay inuu sirta FBI siiyo sirdoonka Ruushka, laakiin sida markii la qabtay ay cadaysay FBI waxa keliya ee uu ka laha waxay ahayd inuu helo macaash iyo lacag markii uu ka iibiyo sirta sirdoonka Ruushka.
Hanssen waxay xidhiidhkii u horeeyay wada yeesheen Dmiti Polyakov oo ah ahaa oo saraakiisha sirdoonka Ruushka. Dmiti Polyakov wuxu ah Janraal sare oo ka tirsan ciidanka GRU isla markaana ahaa sarakiishii caanka ku noqtay dagaalkii qaboobaa, kaasi oo CIA looga yaqaanay magaca BOURBON ama ROAM, halka hay’adda FBI ay taqaanay TOPHAT.
Hanssen wuxu sheegay GRU macluumaad ah in FBI ay wakhtigan ku hawlan tahay inay
howsheeda laban laabto, iyo isagoo siiyay liis ay FBI uga shakisan tahay inay ka tirsan yihiin sirdoonka Ruushka. Hanssen waxay sirt is waydaarsdeen bilwogii uxu u gudbiyay Dmiti macluumaad muhiim ahaa, kaasi oo uu Dmitri ku dalacay derajadiis.