Saamaynta sadaqadda niyada wanaagsan
Xogside – Ciyaar yahan caan ah ayaa markii uu ku guulaystay kubbada Golfka waxa loo dhiibay jeeg abaal marin ah oo ay qorayd lacagtii abaalmarinta.
Markii uu baxay si uu xaruntii naadigiisa u tago, ee uu gaadhigiisa koray gabadh dhalinyaro ah ayaa ku hamblayaysay guushiisa, waxaana ay ka codsatay inuu caawiyo, madaama ay haysato wiil yar oo buka oo aanay u hayn xataa lacagtii tigidhka dhakhatarka.
Ciyaartoyga aad ayay u raadaysay baryada gabadhu, waxa uu soo saaray jeegii la siiyay gebi ahaantiisa, waxaana uu gacanta ka geliyay gabadhii dhibaatada sheegatay.
Isagoo ku yidhi : “ waxaan rajaynaya in adiga iyo wiilkaaga yar si fiican idiinku filaato”. Maalmo ka dib ayuu ciyaar yahanku ku noqday xaruntii naadiga isagoo ka qadaynaya huteelka naadiga ayuu nin shaqaalaha huteelka Golafka ka mid ahi oo ay saaxiib yihiin ku yidhi :” Markii aad jeega qaadatay todobaadkii hore soo gabadh gaashaanti ahi kumay baryin?. Haa, ayuu ku jawaabay.
Saaxiibkii ayaa haddana ku yidhi :”Waxaan ku sheegaya gabadhani ilma yari kama buko , caruurna malaha, weligeedba lama guursan, Arrimahaasi ayay dadka ku dhacdaa, ee ka raadso lacagtaadii!.
Ciyaartoygii ayaa ku yidhi : ”Miyaanu jirin wiil ka xanuunsanaya? Shaqaalaha ayaa yidhi ma jiro. Ciyaartoyg ayaa ku jawaabay : “Hadalkii iigu wanaagsana ee aan maqlaa todobaadkan waa kaasi!. Anigu waxaan ku bixiyay wiil buka, sidii ayay ii tahay , maaha inaan ka daba tago. Xikmaduna waa “ Wixii aad bixisay ee niyad wanagsan ku bixisay weligaa haka werwerin”