Sabirka Iyo Dadaalka Ayaa Guusha Lagu Gaadha!0.. best

0

Sabirka Iyo Dadaalka Ayaa Guusha Lagu Gaadha!

Kitaabka Rawaaci Al-aqwaal ayaa qisadan ku qoray:  Maalin ayuu Eygu u tegay Libaax oo ah boqorka Xayawaanka , waxaana uu ku yidhi Boqor waxaan doonayaa inaad iga bedesho magaca Ey maxaa yeelay waa uu xun yahay.  Libaaxii ayaa ku yidhi: “ Maxaad ku ogaatay “? Eyga ayaa yidhi “ Dadka ayaaba isku caaya, oo qofka xun ku yidhaa Ey”.  Libaaxii ayaa ku yidhi:” adigu khaayin ayaad tahay magacani waa ka kuu qalma”.Sabirka Iyo Dadaalka Ayaa Guusha Lagu Gaadha!

Eyagii ayaa ku yidhi horta maad itijaabisid! .  Libaaxa ayaa ka ogolaaday tijaabada waxaana uu u dhiibay waslad hilib ah, isagoo u sheegay in uu hayo ilaa berry subaxa. Isla markaana halkan ugu keeno.Sabirka Iyo Dadaalka Ayaa Guusha Lagu Gaadha!

Laakiin Eygii ayaa habeenkii gaajooday oo kolba dhinac ka eega wasladii hilibka ahayd. Markii danbe ayuu yidhi magacayga Ey , ma mid ka wanaagsan ayaa jira, maxaan gaajo iskaga eegi ? Maya. Ka dibna wuu cunay.  Waxaana halkaa ku seegay in uu iska bedelo magaca.Sabirka Iyo Dadaalka Ayaa Guusha Lagu Gaadha!

Sidaasi ayuu dadka uga mid yahay mid hamiigiisu gaaban yahay , oo ku qancaya waxa ugu yar,  kana doorbidaya wax liita arinka wanaagsan, kaasi oo aan adkaysi u lahayn guusha. Guushanna waxa lagu gaadha adkaysi, sabir iyo dadaal.

Sabirka Iyo Dadaalka Ayaa Guusha Lagu Gaadha!

fariin noogu reeb