sharciga guurka ee Dalka Fiitnaam

0

Dalka Fiitnaam marka uu qofku doonayo inuu guursaado waxa khasab ah inuu haystaa shahaado caafimaad oo dhinaca maskaxda ah, taasi oo muujinaysa in aanu ahayn qof waalan.

Sharcigan oo dalkaasi lagaga dhaqmo ayaa la sheegay inuu ku salaysan yahay sidii loo ilaalin lahaa sidii   laba qof oo waalan ama  qof  waalan iyo mid miyir qaba aan la isugu guurin lahayn.

Iyado weliba laga ilaalinayo in gabadh qof waalan guri loogu xereeyo iyadoo banaankiiba aanay kaga nabad gelayn. Marka labada qof ay soo qaataan warqadda caafimaadka maskaxda ayaa laga ogolaada inay is guursadaan.

Waxaana ay arrintan ku saleeyaan iyagoo haysta odhaahda tidhaa :” Qof Miyir Qaba ayaa Guursada”

fariin noogu reeb