Sheeko: Adiga Ayay Kugu Xidhan Tahay Shinbirtu
Xogside – Arday dhamaadkii waxbarashadiisa ku jira ayaa macalinkiisa u yimi isagoo doonaya in uu curiyo xikmad cusub, macalinkiisa tijaabiyo, waxaana uu gacantiisa ku siday shimbir uu soo qabtay macalinka ayuu su’aashan weydiiyay :
“Macalin shimbirkan aan gacanta ku hayaa miyuu nool yahay mise wuu dhintay?” Wuxu ahaa qorshihiisu haddii macalinku yidhaa wuu dhintay inuu gacantiisa kala furo oo sii daayo. Haddii uu yidhaa wuu nool yahayna , oo gacantiisa ku cidhiidhyo oo u dhinto.
Laakiin macalinka oo aad u maskax badanaa ayaa ku jawaabay “ Ardaygaga qaaliga ahow , shimbirkan noloshiisa iyo dhimashadiisu adiga ayay kugu xidhan tahay “.
Haddaba shimbirta waxa badbaadiyay jawaabta xikmadda ah ee ka soo baxday caqli fikir leh. Sidaasi ayay maskaxaha wanaagsani u badbaadiyaan noolaha , halka ay burburka keenaan caqliyada liita.