Sheeko Hadyad Dil Sababtay!
Dunida waxa soo maray madax badan oo weli ficiladoodii laga yaaban yahay, mararka qaarkood loo qaato inay ahaayeen kuwo aan miyir qabin. Waxaana ka mid hogaamiyihii Shiinaha Moa Toasting kaasi oo la sheego inuu dilay dad gaadhaya 45 -75 malyuun oo shiine ah mudadii uu xilka hayay inkasta oo la sheego haddana inuu yahay ninka asaasay Jamhuuriyadda Shiinaha.
Sanadkii 1969 wasiirkii Arimaha debedda ee dalka Pakistan ayaa usoo diray hadyad Cambe ah hogaamiye Moa, Waxa laga yaaba inay ahayd dhinaca Pakistan hadyad yar oo fudud laakiin Shiinaha waxay ku riday nooc waali dhamaystiran ah.
Moa Tosting markii loo keenay hadyada wuxu markiiba u gudbiyay qaar ka mid ah ilaaladiisa si ay isaga ugu sameeyaan sumacad iyo dacaayad waxaana sawiro laga qaaday iyagoo aad u faraxsan oo hadalo xad dhaaf ku amaanaya Moa Toasting.
Wargeyksa codka Shacabka Shiinaha ayaa daabacay inay ilamaynayeen dadkaasi farxad darteed . May ahayn wax yaab leh maxa yeelay Shiinaha badankoodu mabay arag Mango imika ka hor. Waxa ilaalada wehelinayay Dakhtar ilkaha ah oo isagu aan wax weyn ka soo qaadin Cambaha ay la yaaban yihiin waxaan u yidhi “ Cambaha Moa wuxu u dhow yahay inuu noqdo baradho!.
Markiiba Dhakhtarkaasi ayaa la qabtay iyadoo lagu eedeeyay inuu yahay cadowga kacaanka waxaana lagu xukumay dil iyadoo loo cuskaday inuu ku kacay denbi fool xun kana cadhaysiiyay koox faraxsan.