Sheeko: Marka inta kale wax hesho ayaan aniguna wax helayaa!

0
Sheeko: Marka inta kale wax hesho ayaan aniguna wax helayaa!

Xogside – Mid ka mid ah aqoonyahannada cilmiga Aadanaha ayaa booqday tuulo ku taalla dalka Koonfur Afrika, ninkan ayaa waxa uu u qabtay caruur uu halkaasi kula kulmay tartan ciyareed oo uu dhexdooda u qabtay.Sheeko: Marka Inta Kale Wax Hesho Ayaan Aniguna Wax Helayaa! - Xogside-news

 

Waxa uu soo qaaday sallad  buuxda oo ay ku jiraan khudrad badan oo kala duwan, waxaana uu dhigay geed hoostii.Sheeko: Marka Inta Kale Wax Hesho Ayaan Aniguna Wax Helayaa! - Xogside-news

 

Caruurtii ayuu u sheegay in tartan ay u gelayaan, qofka u dheereeya ee geedkaas gaadhana uu qaadan doono seladaasi buuxda ee khudradda ah!.Sheeko: Marka Inta Kale Wax Hesho Ayaan Aniguna Wax Helayaa! - Xogside-news

 

Markii uu yeedhiyay siidhiga tilmaamayay in tartanku bilaabmay ayay dhammaantood hal mar gacmaha is qabsadeen, si degganna u wada dhaqaaqeen, iyagoo wada jira ayay gaadheen geedkii.Sheeko: Marka Inta Kale Wax Hesho Ayaan Aniguna Wax Helayaa! - Xogside-news

 

Salladii khudradda ahaydna si isle’eg ayay u qaybsadeen. Aqoon yahanka tartanka qabtay ayaa aad u yaabay, waxaana uu ubadkii waydiiyay sababta ay sidan u sameeyeen, isagoo sheegay in midkii guulaystaa uu qaadan lahaa selladda buuxda ee khudarada ah? Caruurtii ayaa ugu jawaabay erayga “Ubuntu”!.Sheeko: Marka Inta Kale Wax Hesho Ayaan Aniguna Wax Helayaa! - Xogside-news

 

Kalmadda Ubuntu ayaa luqadda afka Xhosa ee Koonfur Afrika lagaga hadlo macnaheedu yahay “Marka inta kale wax hesho, ayaan aniguna wax helayaa”. Ubadkanina waxa ay sheegeen in ay u nool yihiin inay si wada jir ah wax u helaan.Sheeko: Marka Inta Kale Wax Hesho Ayaan Aniguna Wax Helayaa! - Xogside-news

 

Sheeko: Marka inta kale wax hesho ayaan aniguna wax helayaa!

fariin noogu reeb